Se alla

Liberalerna – U taagan xoriyad, dugsiyada iyo isdhexgalka.

Liberalism waxa uu u taagan yagay xoriyad. Waxay taasi khuseysaa xoriyada aad noloshaada ugu noolanayso adiga shuruudahaaga waafaqsan. Waa inaanad lagu xadidin taas oo ku salaysan jinsga, meesha aad ka timid ama galmaddaada. Waxay taasi kukheysaa wax walba oo laga bilaabo asturnaanta jidh ahaaneed iyo amaanka ilaa in ladhimo cashuurta inaad hesho xoriyada aad  lacagtaada ugu sameynayso waxaad dooneyso. Waxaanu markasa difaaci doonaa xoriyada iyo xoriyatul qowlka, xuquuqda lagu helaayo waxbarasho wanaagsan iyo sharci adag oo damaanad qaada amniga bulshada. Waa xoriyad waa Liberalerna.

”Meesha aad ka timiid ama meesha aad degan tahay waa inaanay go’aamin sida uu u wanaagsan yahay dugsigaagu, inaad amaan ku tahay nolol maalmeedkaaga ama inaad shaqo hesho. Qof kastaa waa inuu helaa fursada uu ku go’aaminaayo noloshiisa, oo uu shaqo ugu helaayo si uu riyooyinkiisa ugaga dhabeeyo.”

Dawlad libraali ah oo madani dhexe ah

Waxa ay dawlada socialdemokratigu muddo sideed sano ah ku guuldareysatay dugsiyada iyo is-dhexgalka. Iswiidhan waxa ay ubaahan tahay dawlad madani ah oo leh xisbi liiberaal ah oo xoog leh kaas oo xal u haya dhibaatada dugsiga si meesha looga saaro ka baxsanaanta. Waxay Liberalerna rabaan inay dawlada la dhisaamn Moderaterna iyo Kristdemokraterna. Waxaanu diyaar u nahay inaanu la hadalno dhammaan dhinacyada ku jira baarlamaanka si aan siyaasaddayada ugu meelmarino.

Waxbarasho iyo isdhexgal

Waxbarashadu waa xoriyad. Mustaqbalka Iswiidhan sugaaya bari waxa uu maanta dhex joogaa dugsiyadeena.Taasi waa sababta ay xisbiga Liberalerna dugsiga ugu horraysiinayaan. Waxa uu xisbiga Liberalerna sidoo kale yahay xisbiga isdhexgalka ee Iswiidhan. Siyaasadda isdhexgalka ee xisbiga socialdemokrati-gu waxay keentay inay nus milyan qof ay ku noolaadaan meelo xaaladoodu liidato oo ay fursadaha noloshu ka yar yihiin. Waxaanu haynaa qorshe aanay Iswiidhan ugu ooleynin meelo xaaladoodu liidato. Si taasi loogu hirgaliyo ayaa loogu baahan yahay in ahmiyad weyn la saaro aqoonta dugsiyada, nidaamka iyo kala danbeynta casharada, aqoonta luqadaha ee dadka dalka ku cusub, cashuurta oo laga dhimo dadka shaqeeya, shaqooyin badan iyo dawlada cusub doorashdada deyrta ka dib timaada.

Johan Pehrson

Hogaamiyaha xisbiga Liberalerna waxa la yidhaahdaa Johan Pehrson wuxuuna ka yimid Örebro. Johan waa 54 jir, aabo afar carruur ah leh, ganacsade shirkad leh iyo qareent. Johan waxa uu siyaasada ugu jiraa maadaama oo uu jecel yahay Iswiidhan oo uu isbedel aaminsan yahay.

Siyaasadda dugsiga oo hami sareeya leh

Liberalerna waxa weeye xisbiga xagga ugu sareysa dhigaaya dugsiga. Waa inuu fasal kasta noqdaa mid nadiif ah oo ay kala danbeyn ka jirto. Dhamaan ardeysu waa inay haysataan buugaagta dugsiga oo wanaagsan oo maado kasta ah. Waa muhiim in waalidiinta iyo ardaydu iyagu dugsiga doortaan. Dugsiyada madaxa banaan waa inay Iswiidhan ka jiraan, laakiin tayada waxbarashada ayaa ka muhiimsan qiimaha uu taagan yahay saamiga shirkadaha leh dugsiga madaxa banaan.

Dugsi aqoontaa diiradda saaraya

Natiijooyinka waxbarashada ee dugsiyada waa in kor loo qaadaa. Caawimo la siinaayo ardeydu baahan waa in xilli hore la siiyaa waana in shuruudaha imtaxaanku ahaadaan qaar ka cad. Xitaa ardayda ay waxarashadu u dhib yartahay waa in wax adag la siiyaa si ay wax badan ugu sii bartaan. Waxa uu hadafkayagu yahay in dugsiyada Iswidhan ay noqdaan kuwa dunida ugu sarreeya.

Waqti dheeraad ah oo fasalka lagu qaato

Waxaaynu u baahannahay macalimiin badan oo casharada iyo saacado badan oo waxbarashada la bixiyo. Ardeyda ay dhibaato khaysato dugsiga waa inay helaan wakhti dheeraad ah oo casharada laga siiyo halka kuwa ay u dhibyartahay ay heli doonaan casharo ka adag. Kuwa khatarta ugu jira inay dugsiga ku dhacaan waa inay dugsiga maalmaha fasaxa ah aadaan.

Si xoogan kor loogu qaado deganaansha meesha lagu shaqeynaayo

Maanta ayuu dugsigu yahay mida aad u buuq badan oo aan amaan aheyn. Waxa uu dugsigu baahan yahay kala danbeyn iyo tallaabo cad oo laga qaadaayo kuwa iyagu saaxiibadooda dugsiga ka qashqashaaya. Barayaashu waa inay iyagu yihiin cida fasalka dhexdiisa go’aanka leh oo ay masuuliyada cadi ka saaran tahay inay kala danbeyn jirto xilliga casharada. Markaas uun ayay ardeydu ahmiyada wax saari karaan oo ay ammaan dareemi karaan.

 

Siyaasadda isdhexgalka ee ka baxsanaanta meesha ka saareysa

Waxaanu leenahay siyaasada aanu ku maareynaayo isdhexgalka, oo hubineysa in qaar badan oo ka baxsan ay Iswiidhishka bartaan, shaqo helaan oo ay bulshadaka mid noqdaan. Muwaadin kasta ha yaraado ama ha weynaado oo wadankeena jooga waxa uu xaq u leeyahay inuu ku noolaado aag/meel ammaan ah.

Ahmiyada la saaro luqada Iswiidhishka

Luqada Iswiidhishka ayaa ah furaha lagu soo galaayo bulshada Iswiidhishka. Waxa aanu rabnaa dugsiga xanaanada ee loogu talogalay dadka cusub ee hadda yimid iyo imtaxaanka luqada ee dhalashada marka la qaadanaayo la iska qaadaayo. Waa in qaar ka badani bartaan markay shaqeynayaan iyadoo kuwa cusub ee hadda yimid ay qaataan casharo Iswiidhishka iyo aqoonta bulshada maalinta ugu horeysa ee ay Iswiidhan yimaadaan. Suurtogal ma ah in isdhaxgalka la sameeyo iyadoo aan luqada la aqoonin.

Qof kasta oo awoodi karaa waa inuu shaqeeyaa

Waxa loo baahan yahay tabobaro xirfada oo loogu talogalay dhalinyarta iyo dadka cusub ee hadda yimid. Waxa aan u aragnaa in ay ka wanaagsan tahay inla helo shaqada ugu horeyssa oo ka mushahar yar halkii caydh laga qaadan lahaa. Dadka oo dhami waa inay helaan fursad shaqo, lacag ka soo galayso oo ay bulshada ka qeybqaataan.

Tallaabo adag laga qaado dhaqanka sharafta

Waxa uuu cadaadiska dhaqanku saameeyaa kumanaan gabdho iyo wiilal dhalinyar ah.Dugsiga iyo daryeelka caafimaadku waa inay kaga wanaagsanaadaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen ka hortagga dulmiga magaca sharafta. Waxay Liberalerna rabaan inay arkaan in gabi ahaanba la mamnuuco guurka carruurta iyo ilma adeerada iyo in sidoo kale ciqaabta loo dheereeyo dadka gala danbiyada sharafta.

 

Siyaasad liiberaal ah oo ka sii tiro badan

Xalka tiknoolajiyada si loogu badbaadiyo cimilada. Waxa aynu u baahan nahay tiknoolajiyad iyo fikrad cusub inay yihiin furaha lagu xalinaayo isbedelka cimilada. Waxaan rabnaa inaanu dhisno warshada awooda nukliyeerka oo cusub oo lacag la iska qaado haddii wasakh la daadiyo.

La dhimo cashuurta shaqada. Waa in ay faa’iido leedahay in la shaqeeyo oo wax la barto. Waxa aanu u baahanay inaynu dhino cashuurta si ay dadka caadiga ah ay lacag badan ugu soo hadho. Waa inay had iyo jeer ka faa’iido badataa in la shaqeeyo halkii caydh laga qaadan lahaa.

Haa ayaanu leenahay Yurub. Waxaanu aaminsan nahay in carqaladaha maanta jira kaliya wadajir lagu xalin karo. Si loogu xaliyo caqabadaha xadka dhaafay ee cimilada iyo socdaalka/dadka wadanka soo galaaya iyo khatarta cimilada ayaa u baahanay iskaashi badan oo ka dhaxeeya wadamada Yurub.

Badbaadiya kaaliyaha gaarka ee shakhsiga. Waxaan ku qabweynahay in aanu soo rognay xaqa lo leeyahay kaaliyaha gaarka ee shakhsiga ee dadka u baahan. Waa inaad xaq u lahaato nolo adiga kuu gaar ah iyo xoriyadaada, iyadoo aan loo eegeynin haddii aad caawimo u baahantahay nolol maalmeedkaaga iyo haddii kaleba.